Guddoomiyaha SoDMA oo Gaaray Magaalada Cadaado & Taageero Gaarsiiyay Deegaanada Abaartu Saameysay

0

Cadaado, Galgaduud — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehlinayaan Guddiga Abaaraha ee Galmudug, ayaa gaaray magaalada Cadaado si uu u sii ambaqaado safar shaqo oo la xiriira gurmadka abaarta ee ku socda deegaannada Galmudug.

 

Intii uu halkaa joogay, Guddoomiyuhu wuxuu kulan la qaatay Guddiga Abaaraha Degmada Cadaado, halkaas oo ay ku soo bandhigeen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta iyo saameynta ay ku yeelatay bulshada. Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle waxa uu balan qaaday in hay’addu sii xoojin doonto gurmadka iyo taageerada loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisu waxay sidoo kale u gudbeen degmada Baxdo, oo ay ka wareejiyeen Guddiga Abaaraha Baxdo 100 booyadood oo biyo ah, si loogu qaybiyo qoysaska nugul ee ku nool degmada iyo deegaannada hoos yimaada.

Intii uu safarka ku guda jiray, Guddoomiyuhu wuxuu qiimeyn iyo kormeer ku sameeyay heerka ay abaartu u saameysay dadka xoolo-dhaqatada ah, si loo xoojiyo qorsheynta iyo dardargelinta gurmadka loo fidinayo bulshada.May be an image of camelMay be an image of Bactrian camel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here