Guddoonka Golaha Shacabka oo kormeeray goobta lagu qabanayo doorashada Guddoomiyaha

0

Muqdisho – Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), ayaa maanta kormeer ku tagay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

 

Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd hubinta diyaar-garowga goobta, habraacyada doorashada iyo agabka loo diyaariyey maalinta doorashada, si loo xaqiijiyo in howshu u dhacdo si habsami leh, hufan oo waafaqsan xeerarka iyo habraacyada Golaha Shacabka.

Masuuliyiinta ayaa indha-indheeyey qeybaha kala duwan ee goobta, iyagoo qiimeeyey diyaar-garowga farsamo iyo hab-maamuus ee doorashada, gaar ahaan nidaamka cod-bixinta, goobaha uu ka howlgeli doono guddiga doorashada iyo agabka loo diyaariyey xildhibaanada. Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in doorashadu u dhacdo si hufan, caddaalad ah oo xasilloon, isla markaana waafaqsan xeerarka iyo habraacyada Golaha.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo in doorashadu ku qabsoonto jawi ammaan ah, nidaamsan oo hufan, iyadoo la diyaariyey dhammaan agabka iyo habraacyada lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada.May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here