Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Faray Cutubyada Ciidanka Xooga Dalka Ka Qaybgalka Gurmadka Abaaraha

0

Muqdisho — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa faray dhammaan cutubyada kala duwan ee ciidanka in ay si buuxda uga qayb qaataan gurmadka iyo taakuleynta shacabka ay saameeyeen abaaraha ka jira qaybo ka mid ah dalka.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu adkeeyay in cutubyada ciidanku ay garab istaagaan bulshada tabaaleysan, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaataan gaarsiinta gargaarka, sugidda amniga goobaha gurmadka, iyo fududeynta howlaha samatabbixinta.

Taliyaha ayaa ku booriyay saraakiisha iyo askarta XDS in ay muujiyaan doorkooda qaranimo iyo waajibaadkooda ku aaddan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay jiraan xaaladaha adag ee bani’aadamnimo.

Ugu dambeyn, taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa caddeeyay in ciidanku diyaar u yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gargaarka si loo yareeyo saameynta abaarta, loona dardargeliyo gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatadu saameysay.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here