Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Cusub ee UNICEF

0

Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf.

 

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in la xoojiyo wada-shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNICEF, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Xamsa uu la wadaagay guulaha ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran, isaga oo xusay in Soomaaliya ay gashay marxalad dib-u-habeyn iyo dhismaha dowladnimada, gaar ahaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029 (NTP) oo ah qaab-dhismeedka ugu weyn ee hagaya mudnaanta horumarineed ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay hey’adda UNICEF taageeradeeda ku aaddan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, nafaqada carruurta, iyo hirgelinta sidii biyo nadiif ah loogu gaarsiin lahaa bulshada nugul, gaar ahaan deegaannada ay saameeyeen abaaraha.

Dhanka kale, Marwo Sandra Lattouf ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqaynta hey’adda UNICEF, iyadoo ka ballanqaaday taageero gaar ah oo ku aaddan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan caafimaadka iyo tallaalka carruurta, la dagaallanka nafaqo-darrada, horumarinta waxbarashada, iyo kordhinta helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowrka.May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, suit and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here