Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Boqor Cabdalla binu Al-Xuseen, Boqorka Urdun, iyo Sheekh Tamiim binu Xamad, Amiirka Qatar.
Hoggaamiyeyaasha ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaan xiisadaha iyo iskahorimaadyada milatari ee ka taagan Bariga Dhexe. Waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay dejinta xaaladda, yareynta xiisadaha iyo xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida mandiqadda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey mowqifka adag ee Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga Dowladda Qatar iyo Boqortooyada Urdun, kaddib duqeymo ay kala kulmeen Dowladda Iiraan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey mowqifka mideysan ee dalalka Carabta, isaga oo carrabka ku adkeeyey in weerar kasta oo lagu qaado dhulka dalalkaas walaalaha ah uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, isla markaana caqabad ku noqon kara nabadda iyo xasilloonida gobolka.






