Farmaajo Oo Ka Hadlay Diyaaraddii Hawada Laga Celiyay Mudo xileedkiisii hore

0

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhacdadii diyaaraddii hawada laga celiyay xilligii uu xilka hayay, taas oo ay saarnaayeen siyaasiyiin uu ka mid ahaa madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

 

Farmaajo ayaa sheegay in go’aanka lagu celiyay diyaaradda uu ahaa mid la xiriiray arrimo amni iyo habraacyo dowladeed oo markaas jiray, isaga oo tilmaamay in dowladdiisu ay xiligaas mudnaan siisay ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhacdadan oo dhacday intii uu Farmaajo ahaa madaxweynaha Somalia ayaa markaas dhalisay dood siyaasadeed oo xooggan, iyadoo mucaaradka qaarkood ay ku eedeeyeen dowladda in ay tallaabadaas u adeegsaday cadaadis siyaasadeed.

Hadalka Farmaajo ee arrintan ku saabsan ayaa imaanaya xilli mar kale dib loo xusuusanayo dhacdooyinka siyaasadeed ee muranka dhaliyay intii u dhaxeysay sanadihii uu xilka hayay.

DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here