Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib ansixinta qodobbo muhiim ah oo ka tirsan Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabadan ay ka dhigan tahay in dalka uu ka gudbayo marxaladdii ku-meel-gaarka ahayd ee muddada dheer socotay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in dhammeystirka dastuurka uu yahay guul qaran oo muhiim u ah dhismaha dowladnimo, xoojinta hay’adaha dowladda iyo hirgelinta nidaam siyaasadeed oo waara.
Ansixinta qodobadan dastuuriga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhameystirayo dib-u-eegista dastuurka dalka, taas oo muddo dheer socotay isla markaana muhiim u ah hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya.
DAAWO.



![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
