Muqdisho – Banaanbaxayaal ka caraysan sare u kaca qiimaha shidaalka ayaa xirtay Wadada Maka Al-Mukarrama ee bartamaha magaalada Muqdisho.
Darawallada mootooyinka bajajta ayaa isugu soo baxay wadada iyaga oo cabanaya qiimaha shidaalka ee ganacsatada ka iibinayaan, kaas oo sare u kacay xilli dhowaan qiimihii hore lagu iibin jiray uu si weyn u kordhay.
Banaanbaxa ayaa ka dhashay xiisad sii kordheysa oo la xiriirta shidaalka iyo gaaska, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka magaalada.
Illaa hadda, ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama ganacsatada shidaalka oo ku saabsan tallaabo laga qaadi doono sicirka kororka ku yimid qiimahii hore ee caadi ahaa.
Dhanka kale, darawallada ayaa ku adkeysanaya in ay sii wadi doonaan mudaaharaadka ilaa laga helayo xal ku saabsan qiimaha shidaalka.
DAAWO.




