Baydhabo – Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwo la sheegay inay taabacsan yihiin mucaaradka ayaa ka qarxay magaalada Baydhabo, oo ah xarunta Kumeel Gaarka ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Goob-joogayaal ku sugan Baydhabo ayaa u xaqiijiyay Shabelle TV in gudaha magaalada laga maqlayo rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac ee dagaallamaya.
wuxuuna intaasi ku daray in rasaasta ay ka socoto xaafado ka tirsan magaalada, taas oo cabsi gelisay shacabka deegaanka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadaha uu dagaalku saameeyay ay bilaabeen inay ka baxaan guryahooda, kaddib markii la sheegay in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay adeegsadeen hub culus.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku saabsan dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.




