Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo boqaal shacab ah la tukaday salaadda Ciidul Fitriga

0

Baydhabo  — Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa boqolaal shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka kula tukaday salaadda Ciidul Fitriga Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo.

 

Madaxweynaha ayaa shacabka kala qeyb galay farxadda munaasabadda barakeysan ee Ciidda, isagoo hambalyo u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed. Wuxuu tilmaamay in Ciiddu ay tahay fursad lagu xoojiyo midnimada, is-jacaylka iyo wadajirka bulshada.

Sidoo kale, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku baaqay in la adkeeyo nabadda iyo xasilloonida, si loo dardargeliyo horumarka iyo dib u dhiska deegaanada Koonfur Galbeed.

Munaasabadda salaadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, maamulka gobolka iyo kan degmada, culumaa’udiin, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si wadajir ah u muujiyay farxadda iyo qiimaha maalinta Ciidul Fitriga.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here