Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay u gudbeyso doorashooyin loo dhan yahay

0

Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wargelisay shacabka Soomaaliyeed in dalka uu galayo marxalad doorasho oo loo dhan yahay, daahfuran, kuna saleysan shuruucda dalka.

 

Wasaaraddu waxay sheegtay in doorashadu tahay xaq dastuuri ah oo uu leeyahay muwaadin kasta, isla markaana ay door muhiim ah ka ciyaareyso xoojinta kalsoonida shacabka, kor u qaadista hufnaanta, iyo in bulshada ay si toos ah uga qayb qaadato doorashada cidda ku mataleysa hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa sidoo kale caddeysay in geeddi-socodka doorashooyinka uu noqon doono mid xor iyo xalaal ah, kuna dhisan mabaadi’da dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay xaqiijisay in dhammaan hay’adaha ku shaqada leh doorashooyinka ay dhawaan gudan doonaan waajibaadkooda, si waafaqsan shuruucda dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay xoojinta dowladnimada, hirgelinta nidaam dimuqraadi ah, iyo qabsoomidda doorashooyin hufan oo ay shacabka Soomaaliyeed si buuxda uga qayb qaataan.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here