Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladaha iyo shucuubta dalalka Qatar iyo Turkiga, kadib shil diyaaradeed oo ka dhacay xeebaha dalka Qatar, kaas oo sababay dhimashada toddobo qof.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter) ay ku burburtay biyaha gudaha ee Qatar, xilli ay ku guda jirtay howl shaqo oo caadi ah. Dowladda ayaa muujisay sida ay uga xun tahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay shilkaasi.
Soomaaliya waxay tacsi gaar ah u dirtay qoysaska iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadka ku dhintay shilka, iyadoo Alle uga baryeysa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo eheladooda.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda ula garab taagan tahay walaalaheeda Qatar iyo Turkiga xilligan adag,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Wararka laga helayo Qatar ayaa sheegaya in shilka uu dhacay xilli diyaaradda ay ku jirtay howl tababar ama shaqo, iyadoo la tuhunsan yahay in cilad farsamo ay sabab u ahayd burburka diyaaradda.
Sidoo kale, wararka ayaa tilmaamaya in diyaaradda ay wadeen shaqaale isugu jiray Qatar iyo Turkiga, iyadoo weli ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee shilkaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale muujisay garab istaag iyo walaaltinimo, taasoo ka tarjumeysa xiriirka dhow ee kala dhexeeya dalalka Qatar iyo Turkiga.




