Farmaajo oo Ka Digay Xiisadda Siyaasadeed ee Koonfur Galbeed

0

Muqdisho –  Madaxwaynihii 9aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo walaac ka muujiyey xaalaadda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ka digay halista ku gadaaman qorshaha dhiillada wata ee ay Dowladda Federaalku ku wajahday.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in xaaladdan cakiran ay halis ku tahay xasilloonida deegaanka, badqabka shacabka reer Koonfur Galbeed iyo dadaallada geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ugu dambayn, Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyey inay weli jiraan fursado iyo xal siyaasadeed oo lagu dejin karo xaaladdan cakiran haddii Dowladda Federaalku ay la timaaddo niyad wanaag iyo wadahadal dhab ah oo ay ka gasho arrimaha doorashooyinka dalka.May be an image of ‎text that says "‎HE 9TH PRESI BESIDE OF ים ADAXWEYNIKI COUICE J JOADL ውዝ PAANT DENT FGS 5 الد HOVAMD BDULLAHI CRлbAKΟ Mohamed Farmaajo @M Farmaajo The threat of escalating politically motivated violence in South West State is troubling. There are still political solutions if the federal government is serious about honest dialogue on elections. The potential innocent victims of the current violent strategy are concerning. 11:05 AM Mar 24, 2026 1,235Views ..-SH.品 HECOUREDABTULANTAMAJO OFFICEOFTHESTHPRESIDENFOS‎"‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here