Dowladda Federaalka oo Maamul u Magacawday Degmada Waajid

0

Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku shaacisay in maamul cusub loo magacaabay degmada Waajid ee gobolka Bakool.

 

Go’aankan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada dowladda federaalka ay ku xoojineyso maamulka iyo adeegyada dowliga ah ee ka jira deegaannada dalka.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay sii xoojin karto xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay jiraan baaqyo xooggan oo ka imanaya madax hore oo dalka soo maray iyo beesha caalamka, kuwaas oo ku baaqaya in khilaafka jira lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.May be an image of textMay be an image of map and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here