Shabellaha Dhexe – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan saraakiisha Ururka 191aad, Guutada 19aad, Qeybta 1aad ee Kumaandooska GorGor, ayaa kulan la qaatay shacabka deegaanka Allanley ee gobolka Shabellaha Dhexe.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo iskaashiga ka dhexeeya ciidamada iyo bulshada deegaanka, si loo adkeeyo nabadda iyo xasilloonida.
Saraakiisha Ururka 191aad oo kulanka ka hadlay ayaa shacabka ku boorriyay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay la wadaagaan xogaha la xiriira dhaq-dhaqaaqyada amni darrada.
Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada ay ka go’an tahay ilaalinta shacabka iyo dardargelinta howlgalada lagula dagaallamayo kooxaha nabad-diidka ah.
Dhankooda, shacabka Allanley ayaa muujiyay diyaar ahaanshahooda inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaanka, iyagoo ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan ciidamada amniga.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya ciidamada iyo bulshada, si loo gaaro amni waara oo ka hanaqaada deegaannada gobolka Shabellaha Dhexe.




