Ciidamada Xoog Dalka iyo AUSSOM oo howlgal waddo-furis ah ka fuliyay Shabeellaha Hoose

0

Shabeellaha Hoose – Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal muhiim ah oo ciidamada ay ka fuliyeen waddada xiriirisa deegaannada Mubaarak iyo Awdheegle.

 

Howlgalka oo si wadajir ah loo fuliyay ayaa lagu furayay waddo muddo sanado ah ay u xirneyd sababo amni, taasoo horey u ahayd meel ay ku dhuumaaleysan jireen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgalkan waddo-furista ah ayaa waxaa ka qeyb qaatay Ururada 143-aad ee Guutada 14-ka October, 203-aad, Guutada 20-aad ee Kumaandooska GorGor, iyo saaxiibada caalamiga ah ee AUSSOM.

Taliyuhu ayaa sheegay in furitaanka waddadan uu si weyn u fududeynayo isku socodka gaadiidka iyo dadka, isla markaana uu kaalin muhiim ah ka qaadanayo isku xirka deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu intaas ku daray in waddadan ay si joogto ah u isticmaali doonaan gaadiidka dadweynaha, taasoo yareyn doonta safarada dheer ee ay dadka horey u mari jireen si ay u gaaraan deegaanno kale oo dalka ah.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga, lagu sifeynayo deegaannada laga xoreeyay maleeshiyaadka, looguna gogol xaarayo in dib loo hirgeliyo adeegyada dowliga ah iyo nolosha bulshada.No photo description available.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here