Baydhabo – Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay go’aanno cusub oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan doorashada madaxtinimada maamulkaasi.
Maamulka ayaa sheegay in saaxadda siyaasadeed ee doorashooyinka ay tahay mid u furan cid walba oo danaynaysa inay tartanto, isagoo sidoo kale ballan qaaday in la ilaalin doono amniga musharixiinta iyo dhammaan dhinacyada ka qayb galaya tartanka.
Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka uu dardargelinayo doorashooyinka dadban, xilli ay jiraan khilaafaad la xiriira hannaanka doorashada oo u dhexeeya maamulka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
DAAWO.




