Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo bandhigay horumarka iyo saameynta uu mashruucu ku yeeshay dhismaha iyo horumarinta hannaanka amniga dalka.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in mashruucan uu tobankii sano ee la soo dhaafay door muhiim ah ka qaatay yagleelidda Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, isagoo xusay inuu gacan weyn ka geystay mideynta siyaasadaha amniga, xoojinta hay’adaha, iyo kor u qaadidda aqoonta iyo kartida ciidamada iyo laamaha amniga.
Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo difaaca. Wuxuu tilmaamay in taageeradaasi ay muujinayso sida ay uga go’an tahay UK garab istaagga dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha dal nabad ah oo xasilloon.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, La-taliyaha Amniga Qaranka, Aweys Xaaji, iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King.




