Soomaaliya oo Hirgelinaysa Nidaam Casri ah oo Lagu Diiwaangalinayo gaadiidka Bada

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, kuwaas oo ka siiyay warbixin ku saabsan horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinaca gaadiidka badda.

 

Warbixinta oo ay soo jeediyeen Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo khubaro ka tirsan wasaaradda ayaa lagu soo bandhigay nidaam casri ah oo lagu diiwaangalinayo doomaha iyo maraakiibta saldhiggoodu yahay Soomaaliya.

Nidaamkan cusub ayaa u oggolaanaya maraakiibtaas inay qaataan calanka Soomaaliya, si ay u yeeshaan aqoonsi sharci ah oo caalami ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen madaxda wasaaradda, isaga oo xusay in nidaamkan cusub uu gacan ka geysan doono in Soomaaliya laga saaro liiska madoow ee gaadiidka badda.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku boorriyay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda inay sii dardargeliyaan hirgelinta qorshahan, si loo xoojiyo sumcadda iyo horumarka gaadiidka badda ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here