Shariif Sheekh Axmed oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Koonfur Galbeed

0

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee dowladda kumeelgaarka ah ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa hambalyo u diray hoggaanka dib loo doortay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Shariif Sheekh Axmed ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cali Siciid Faqi. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay xubnaha Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed ee dhawaan la dhaariyay.

Wuxuu tilmaamay in doorashada Koonfur Galbeed ay meesha ka saartay hubanti la’aantii siyaasadeed ee hay’adaha maamulka, isla markaana ay muhiim tahay in dowlad-goboleedyada kale ee muddo xileedkoodu dhammaaday ay si degdeg ah u qabtaan doorashooyin, si looga fogaado firaaq maamul iyo xasillooni darro saameyn karta amniga qaranka.

Dhanka kale, Shariif Sheekh Axmed ayaa fariin adag u diray Madaxweynaha xilka haya ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo uga digay in xal siyaasadeed lagu raadiyo awood ciidan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinka noocaas ah ay keeni karaan kalsooni darro iyo colaad sokeeye, isla markaana ay halis gelin karaan geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Ugu dambeyn, Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay madaxda dowladda dhexe inay muujiyaan masuuliyad qaran, ayna ka fogaadaan tallaabo kasta oo dalka u horseedi karta qalalaase siyaasadeed, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.May be a graphic of text that says "Hfanbalys Dr.CaliSaciidFiqi Dr. Cali Saciid Fiqi G.GolahaWakillaciaKGS G. Golal 18 Wakiilla lac ada a K KGS CabdiazizXassan Cabdiaziz Xassan Maxamed (Laftagareen) MadaxweynahaKGS Madaxweynah GS Χ @Sharif Sheikh Ahmed"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here