MUQDISHO – Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-dhaafsi fiiso oo u gaar ah dadka sita baasaboorrada diblomaasiyadeed, tallaabadan oo loo arko mid muhiim u ah xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo fududeynta wada shaqeynta diblomaasiyadeed ee labada dal.
Heshiiskan ayaa la gaaray 2-da Abriil, intii uu socday kalfadhigii labaad ee Guddiga Wadatashiga Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Suudaan. Kulankaasi waxaa si wadajir ah u guddoominayay Xamse Aadan Xaadow, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, iyo Danjire Muawiya Cismaan Khaalid, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo kobcinta awoodda hay’adaha dowliga ah. Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la xoojiyo isku duwidda arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo gaaro danaha wadajirka ah ee labada dal.
Heshiiskan cusub ayaa la filayaa inuu fududeeyo isu socodka diblomaasiyiinta labada dal, isla markaana uu sare u qaado xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan.





