Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka Koonfur Galbeed

0

MUQDISHO – Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa kulan muhiim ah kula qaadatay ururrada haweenka magaalada Baydhabo, xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Kulankan oo diiradda lagu saaray xaaladaha haweenka ku nool Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday ururrada haweenka, kuwaasi oo wasiirka uga warbixiyay duruufaha nololeed ee ay wajahayaan, caqabadaha jira iyo baahiyaha aasaasiga ah ee ay qabaan. Haweenka ayaa sidoo kale bogaadiyay horumarka iyo dadaallada ay wasaaraddu ka sameysay difaaca iyo horumarinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Intii ay kulanka socotay, Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa soo bandhigtay guulo la taaban karo oo ay gaartay wasaaraddu, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dejinta qoondada haweenka ee 30% ee doorashooyinka iyo axsaabta siyaasadda, iyo ansixinta sharciyo muhiim ah sida kuwa ka hortagga tacadiyada jinsiga, gudniinka fircooniga, iyo sharciga arrimaha qoyska oo si weyn u xoojinaya xuquuqda haweenka.

Wasiiraddu waxay sidoo kale faahfaahin ka bixisay qorshayaasha mustaqbalka ee wasaaradda ee lagu horumarinayo haweenka Soomaaliyeed iyo dadaallada lagu doonayo in gebi ahaanba lagu ciribtiro tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa haweenka ku boorisay inay muujiyaan midnimo iyo wadajir, si ay uga gudbaan caqabadaha jira isla markaana ay uga faa’iideystaan fursadaha horumarineed ee dalka ka jira.May be an image of one or more people and people practising yogaMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here