Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha ciidanka ee Baydhabo

0

MUQDISHO — Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqday qaar ka mid ah fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Baydhabo, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.

 

Booqashadan ayaa qeyb ka ah kormeerro joogto ah oo lagu xaqiijinayo xaaladda ciidanka, dardargelinta sugidda amniga iyo howlgalada dalka looga sifeynayo kooxaha argagixisada, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada ee ku sugan Baydhabo, iyagoo sidoo kale si toos ah ula hadlay askarta, kuna bogaadiyey geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen.

Waxay si gaar ah u amaaneen ciidamada ka qeyb qaatay hawlgallada lagu furay waddada istiraatiijiga ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, taas oo muhiim u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kormeerkan uu sidoo kale ujeedkiisu yahay xoojinta isku-duubnida ciidamada qaranka, xilli Soomaaliya ay sii wadayso dadaallada milatari ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here