Baydhabo – Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta fuliyay hawlgallo duqeymo ah oo ka dhacay deegaanka Gasarta, oo u dhexeeya Baydhabo iyo Daynuunaay ee gobolka Baay.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeymahan lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, iyadoo 12 dhagarqabe lagu dilay, halka tiro kale lagu dhaawacay.
Hawlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ciidamada qaranka iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah ku burburinayaan awoodda Al-Shabaab, loona xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada dalka.
Ciidanka Qaranka iyo saaxiibbada caalamka ayaa ku adkeystay inay sii wadi doonaan hawlgallada noocan oo kale ah si loo ciribtiro khatarta argagixisada, loona sugo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.




