Muqdisho – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuca istiraatiijiga ah ee biyo-qabadka Warta Siigaale, kaas oo muhiim u ah maaraynta biyaha roobka iyo ka hortagga fatahaadaha.
Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, oo ay ku jiraan Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud Cabdimajid Daahir Aadan, Xoghayaha Guud Bilan Bile Maxamuud, iyo maamulka degmada Hodan.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid door weyn ka qaadanaya badbaadinta nafaha iyo hantida shacabka, gaar ahaan xilliyada roobabka iyo fatahaadaha, isagoo xusay in Warta Siigaale ay si toos ah u adeegto toddobo degmo oo ka tirsan gobolka.
“Maanta waxa aan daah-fureynaa mashruuc istiraatiiji ah oo muhiim u ah bulshada caasimadda, kaas oo wax ka tari doona dhibaatooyinka fatahaadaha,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Mashruucan ayaa waxaa fulisay Dowladda Hoose ee Xamar iyadoo kaashaneysa bahwadaag caalami ah, si loo xoojiyo kaabayaasha muhiimka ah ee adeegyada bulshada.
Sidoo kale, waxaa la qorsheynayaa in si degdeg ah loo bilaabo wejiga labaad ee mashruuca, kaas oo diiradda lagu saari doono hagaajinta deegaanka, nadiifinta guud, iyo beerista dhir, si loo xaqiijiyo horumar waara oo ay ka faa’iideystaan shacabka.
Ugu dambeyn, maamulka gobolka ayaa ballan qaaday in mashruucan aanu ku ekaan doonin heerkan, balse la sii ballaarin doono si loo daboolo baahiyaha sii kordhaya ee magaalada Muqdisho.





