Soomaaliya oo soo gaarey markab qodis shidaal ka sameynaya badda

0

Muqdisho — Markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey ayaa saaka soo gaaray xeebaha caasimadda, kadib markii uu ka soo shiraacday dalka Turkiga, sida ay sheegeen ilo rasmi ah.

 

Madaxda Qaranka ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ka qeybgalaan munaasabad lagu soo dhoweynayo markabkan iyo maraakiib kale oo la socda, taas oo ka dhici doonta dekedda Muqdisho.

Markabka ayaa bilowga toddobaadka dambe u jihaysan doona xeebaha maamulka Galmudug, halkaas oo horey looga sameeyay sahanno shidaal si loo dardargeliyo hawlaha sahminta iyo suurta-gelinta soo saarista mustaqbalka.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in imaanshaha markabkan uu yahay tallaabo muhiim ah oo muujinaysa horumar la taaban karo, isla markaana sare u qaadaysa rajada kobaca dhaqaalaha, ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah, iyo dhisidda mustaqbal barwaaqo leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here