Nairobi – Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiin miisaan culus ku leh siyaasadda Soomaaliya.
Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisulwasaareyaal hore oo kala ah Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdiraxmaan Ceynte, iyo siyaasiyiin kale oo saameyn ku leh siyaasadda dalka.
Sidoo kale, marka laga tago siyaasiyiinta ku mideysan Madasha Samatabixinta, waxaa kulanka qeyb ka ahaa siyaasiyiin kale oo ku dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ay ka mid yihiin Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Mas’uuliyiin kale oo hore xilal uga soo qabtay dowladda ayaa iyaguna goob joog ka ahaa kulanka.
Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in shirka, oo ahaa mid hordhac ah, looga hadlay arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo sidii loo samayn lahaa wada-tashi ballaaran oo ku saabsan mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.
Shirka oo si weyn isha loogu hayay, ayaa lagu sheegay in la isla qaatay qorsheyaal iyo istiraatiijiyad la xiriirta wada-tashi dheeraad ah, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda kulamo kale lala yeesho ganacsatada iyo waxgaradka kale ee bulshada.




