Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay saraakiil ka socotay howlgalka AUSSOM iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Turkiga iyo Ingiriiska.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan dardargelinta howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga hadlay sidii loo kordhin lahaa taageerada caalamiga ah ee ku aaddan howlgalada socda, iyo sidii loo horumarin lahaa tayada iyo waxtarka ciidamada Soomaaliyeed.
Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa uga mahadceliyay dalalka saaxiibka ah doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wada shaqeynta si loo xaqiijiyo amni waara.
Saraakiisha ka socotay beesha caalamka ayaa dhankooda muujiyay sida ay uga go’an tahay inay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyagoo ballanqaaday in la kordhin doono dadaallada lagu ciribtirayo khatarta argagixisada.
Kulankan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo wada shaqeynta istiraatiijiga ah, si loo gaaro guulo muuqda oo dhinaca amniga ah, loona xaqiijiyo xasillooni buuxda oo dalka ka hanaqaadda.





