Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya oo gacanta ku dhigay tuk-tuk lagu soo raray walxaha qarxa oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO – Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii magaalada Muqdisho ku qabtay tuk-tuk ay ku raran yihiin Hoobiyeyaal iyo walxaha qarxa oo la sheegay in Al-Shabaab ay diyaariyeen, kadib xog ay heleen dadka deegaanka, sida ay saraakiishu sheegeen.

 

Maamulka ayaa sheegay in howlgalka uu dhacay abaare 23:40 xilliga Soomaaliya, kaddib markii laamaha ammaanka ay la socdeen dhaqdhaqaaqyo laga shakiyay oo ka dhacayay degmada Deyniile iyo nawaaxigeeda.

Intii uu socday howlgalka ayaa ciidamada waxa ay gacanta ku dhigeen tuk-tuk siday shan madfac oo lagu soo dhex qariyay jawaano qudaarta ah, kuwaasi oo ay sheegeen in la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo geliyo caasimadda.

Darawalka ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu qarxiyo Tuk-tuk iyo rarkii saarneyd markii uu ogaaday in gacanta lagu soo dhigi doono, balse ciidamada ammaanka ayaa ka hortagay isku daygaas. Sawirro ay soo bandhigeen saraakiisha ayaa muujinayay madaafiicda la qabtay oo ay barbar socdeen tuk-tukdii lagu qaadi jiray.

Saraakiisha ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa uga mahadceliyey shacabka sida ay ula wadaageen xogaha la xiriira howlgallada, iyagoo ballan qaaday inay sii wadi doonaan habeen iyo maalin dadaallada lagu sugayo amnig

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here