Taliyaha Ciidanka Uganda oo ugu hanjabay Turkiga inuu xiriirka u jari doono muddo 30 casho ah

0

KAMPALA – Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, ayaa soo saaray digniin culus oo uu ku hanjabay in dalkiisu uu xiriirka diblomaasiyadeed u jari doono dalka Turkiga muddo soddon casho gudahood ah haddii aan wax laga qaban tabashooyin gaar ah oo uusan si faahfaahsan u sheegin.

Qoraal uu soo dhigay barta xiriirka bulshada, General Muhoozi ayaa si weyn ugu dhaleeceeyay faragelinta iyo saameynta sii kordhaysa ee dowladda Ankara ay ku leedahay gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Soomaaliya.

Wuxuu xasuusiyay beesha caalamka in dowladaha reer Galbeedku ay ahaayeen kuwii markii hore garab istaagga iyo taageerada weyn ka siiyay Uganda hawlgallada milateri ee ay ka fuliso Soomaaliya, isagoo xusay in Turkigu uu markaas ka maqnaa saaxadda.

Hanjabaaddan ka soo yeertay taliyaha ayaa muujinaysa xurguf diblomaasiyadeed oo cusub oo soo kala dhex gashay Kampala iyo Ankara, taas oo salka ku haysa tartanka loogu jiro saameyn ku lahaanshaha arrimaha amniga iyo siyaasadda ee Soomaaliya.

General Muhoozi ayaan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shuruudaha ay tahay in Turkigu fuliyo si looga baaqsado xiriir go’a.

Ilaa iyo hadda, dowladda Turkiga iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Uganda midna kama bixin war rasmi ah oo ku saabsan hadalkan saamaynta leh ee ka soo baxay hoggaanka sare ee milateriga Uganda.

Is mari-waagan ayaa imanaya xilli labada dalba ay door muhiim ah ku leeyihiin amniga gobolka, gaar ahaan tababarka iyo taageerada ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here