Addis Ababa – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, H.E. Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa hambalyo diirran u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, H.E. Ismaaciil Cumar Geelle, kaddib markii mar kale loo doortay xilka madaxweynaha dalkaasi.
War-murtiyeed rasmi ah oo uu soo saaray Guddoomiyuhu ayaa lagu bogaadiyey natiijada doorashada, taasoo ay si rasmi ah u shaaciyeen guddiga doorashooyinka Jabuuti, isla markaana lagu xaqiijiyey guusha Madaxweyne Geelle.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa sidoo kale hambalyo u diray shacabka Jabuuti, isaga oo ku ammaanay sida nabdoon ee ay uga qayb qaateen geeddi-socodka doorashada. Waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay sii wadidda nidaamka dimuqraadiyadeed, adkaynta midnimada qaranka, iyo ilaalinta xasilloonida dalka.
Sidoo kale, H.E. Maxamuud Cali Yuusuf ayaa iftiimiyey doorka muhiimka ah ee ay Jabuuti ka qaadato horumarinta nabadda, amniga iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika. Waxa uu dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika taageeridda himilooyinka wadajirka ah ee Ajendaha 2063 ee dalalka xubnaha ka ah.
Dhanka kale, Guddoomiyuhu waxa uu hambalyo u diray Ergada Kormeerka Doorashada ee Midowga Afrika (MOEUA), isaga oo ku ammaanay shaqadooda hufan, gaar ahaan hoggaanka H.E. Bernard Makuza, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Rwanda, oo ahaa Madaxa Ergada.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa mar kale hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo u rajeeyey guul iyo horumar intii uu xilka hayn doono.




