Shabeellaha Hoose – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil sare oo ka tirsan Xoogga Dalka, ayaa kormeer shaqo iyo dhiirrigelin ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.
Kormeerkan ayaa waxaa Taliyaha ku wehlinayay Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, Col. Cabdicasiis Xuseen Maxamed, kusimaha Taliyaha Taliska Taakuleynta CXDS Col. Axmed Cabdinaasir Axmed, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka.
Ujeeddada safarka ayaa ahayd xoojinta howlgalada lagu beegsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyo u kuurgalidda xaaladda guud ee amniga deegaanada laga sifeeyay kooxda. Taliyaha ayaa gaaray deegaano ay ka mid yihiin Sabiid, Caanoole iyo Mubaarak, halkaas oo uu kula kulmay ciidamada ku sugan furimaha hore.
Dhanka kale, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiisha ciidamada UPDF ee qeybta ka ah Hawlgalka AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala deegaanadaasi. Intii uu socday kulanka, Taliyaha ayaa ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda amni iyo howlgalada ka socda gobolka.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ciidamada ku ammaanay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, isagoo ku booriyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka, loona ciribtiro khataraha argagixiso ee weli jira.





