Dhalinyarada Muqdisho oo Ka Hadlay Cabashooyinka ay ka Qabaan Dowladda

0

Muqdisho – Qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho ayaa si isa soo taraysa uga muujinaya cabashooyin la xiriira sida ay u arkaan in loola dhaqmo, gaar ahaan kuwa dhaliila siyaasadaha dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Dhalinyaradan ayaa sheegaya in muddooyinkii dambe ay la kulmayeen cadaadis iyo beegsi, gaar ahaan kuwa aragtidooda ka dhiibta hanaanka siyaasadeed iyo jihada uu dalka ku socdo. Waxay tilmaamayaan in tani ay wiiqayso xorriyadda hadalka iyo ka qeybgalka bulshada.

Abuukar Maxamed, oo kamid ah dhalinyarada Muqdisho, ayaa sheegay in dhalinyarada mararka qaar lagu eedeeyo ama lagu cadaadiyo marka ay isku yimaadaan ama ay abaabulaan kulamo ay ku cabbiraan fikirradooda. Wuxuu arrintaas ku tilmaamay mid aan cadaalad ahayn. DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here