Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Qaabilay Safiirka Hindiya

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Hindiya u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika, isaga oo ka guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsigiisa.

 

Danjiraha cusub ayaa fadhigiisu rasmiga ah ku yaallaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya, kaas oo ku dhisan iskaashi iyo is-afgarad soo jireen ah. Labada dhinac waxay si wadajir ah u muujiyeen sida ay uga go’an tahay in xiriirkaas loo beddelo mashaariic wax ku-ool ah oo miro dhal ah, si kor loogu qaado iskaashiga laba geesoodka ah.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la abuuro fursado cusub oo horumarineed, kuwaas oo faa’iidooyin muuqda u leh shacabka labada dal.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa Danjiraha u rajeeyay inuu si hufan oo guul leh u guto waajibaadkiisa shaqo inta uu xilka hayo.May be an image of one or more people, dais and newsroom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here