Washington – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay fadhiga loo dhan yahay ee uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Bangiga Adduunka, Mudane Ajay Banga.
Shirkan oo loo yaqaan Matalaadda Kooxda 1-aad ee Afrika (World Bank Africa Group 1 Constituency), ayaa ka mid ah labada shir ee ugu muhiimsan shirarka sanadlaha ah ee ay wada qabtaan Bangiga Adduunka iyo IMF. Soomaaliya ayaa xubin muhiim ah ka ah madashan, taas oo lagu gorfeeyo siyaasadaha iyo hannaanka maalgelinta horumarineed ee qaaradda Afrika.
Wasiir Biixi Iimaan Cige ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda dakhliga gudaha, horumarinta nidaamka maareynta maaliyadda, iyo hagaajinta jawiga maalgashiga dalka. Waxa uu sidoo kale xusay caqabadaha dhaqaale ee caalamiga ah iyo kuwa gaar ahaan Soomaaliya ku gadaaman, kuwaas oo saameyn ku yeeshay ilaha dhaqaalaha.
Fadhigan ayaa si gaar ah loogu falanqeeyaa hababka maalgelinta ee Bangiga Adduunku siiyo dalalka Afrika, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada si firfircoon uga faa’iideysta deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Bangiga, kuwaas oo qaar badan ay si habsami leh uga socdaan gudaha dalka.




