YEMAN – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Xuutiyiinta Yemen ayaa soo saartay digniin adag oo ay ugu jeedineyso waxa ay ugu yeertay “cadowga Israel,” iyadoo uga digtay lagu wado in laga fuliyo gudaha Soomaaliya.
Qoraal rasmi ah oo ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in tallaabada ugu dambeysay ee ay Israel u magacaabista safiir la sheegay in loo dirayo magaalada Hargeysa ay tahay mid “xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah,” isla markaana dhaawaceysa madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay si gaar ah u sheegtay in ay ka digayso isku day kasta oo la xiriira in Somaliland laga dhigo saldhig ay Israel uga adeegto howlaha gobolka, iyadoo sheegtay in arrintaasi aysan guuleysan doonin.
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in joogitaanka Israel ee Soomaaliya uu, khatar ku yahay amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka, gaar ahaan biyaha istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyo sidoo kale marinada ganacsiga caalamiga ah.
Yemen gaar ahaan garabka Xuutiyiinta ayaa ugu baaqay dalalka ku teedsan Red Sea, iyo sidoo kale dalalka Carabta iyo Islaamka, inay qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo ka dhan ah waxa ay ku tilmaameen “Yuhuuda” qorsheyaal ballaaran oo gobolka lagu saameynayo.
Wasaaradda ayaa sidoo kale ku adkaysatay in ay taageersan tahay shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay difaacayso amniga iyo madax-bannaanida Somaliya.
Qoraalka ayaa si gaar ah uga digay in wax kasta oo la xiriira joogitaanka Israel ee Somaliland ay yihiin “khad cas,” sida ay hadalka u dhigeen, ayna ka dhalan doonaan falcelin adag.




