Baydhabo — Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah wasaaradaha muhiimka ah ee maamulkaas, si uu u qiimeeyo habsami u socodka adeegyada dowladda.
Wasaaradaha uu kormeeray waxaa ka mid ahaa Amniga, Cadaaladda, Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Dastuurka iyo Gargaarka.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo shaqada hay’adaha dowladda iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.
Intii uu kormeerka socday, Hoggaamiyaha KMG ah ayaa la kulmay masuuliyiinta wasaaradahaas, isagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira howlaha socda, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ku adkeeyay madaxda wasaaradaha in ay laba jibbaaraan dadaallada ay ugu adeegayaan shacabka, isla markaana ay mudnaanta siiyaan hufnaanta maamulka, tayada adeegyada, iyo isla xisaabtanka.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhow oo ka dhexeysa hay’adaha dowladda, si loo gaaro horumar waara iyo adeegyo si hufan u gaaraya bulshada ku nool Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda maamulka ee Baydhabo.




