Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan laba-geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Serbia, Prof. Dr. Đuro Macut, intii ay soctay Madasha 5-aad ee Diblomaasiyadda Antalya (ADF2026) oo ka qabsoontay magaaladda Antalya ee dalka Turkiga, halkaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo kor u qaadista iskaashiga guud ee labada dal.
Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda in xiriirka Soomaaliya iyo Serbia uu leeyahay taariikh qoto dheer oo soo bilaabmay 1960kii, xilligii la aasaasay Dhaqdhaqaaqa Dalalka dhaxdhaxaad ah ee (Non-Aligned Movement), taas oo saldhig u ah sii ambaqaadista iyo xoojinta iskaashiga mustaqbalka ee labadda dal.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyey in Serbia ay taageersan tahay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidoo kale mabda’a faragelin la’aanta arrimaha gudaha, isagoo uga mahadceliyey Soomaaliya mowqifkeeda mabda’a ku dhisan ee ku aaddan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan Dowladda xubnaha ka ah jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo ilaalinta qawaaniinta caalamiga ah.
Waxaa kaloo la isku raaceey in ay jirtaan fursad weyn oo lagu horumarin karo xiriirka guud ee labada dal, isla markaana ay diyaarsan yihiin in la xoojiyo xiriirrada heer kasta oo laga isu kaashan karo.
Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinaca amniga iyo sidoo kale fursadaha dhaqaale, gaar ahaan qaybaha shidaalka, gaaska iyo khayraadka dabiiciga ah.
Waxaa la xusay in Soomaaliya ay hodan ku tahay kheyraad dabiici ah oo ay ku jiraan macdano, waxaana shirkadaha Serbia lagu casuumay inay booqdaan dalka si ay u qiimeeyaan fursadaha maalgashi, iyadoo si buuxda loo tixgelinayo madaxbannaanida iyo nidaamka sharciga ee dalka.
Labada dhinac waxay sidoo kale isku raaceen in la xoojin karo iskaashiga waxbarashada, iyada oo loo marayo is-weydaarsiga ardayda iyo isku xirka jaamacadaha, iyo sidoo kale kobcinta is-weydaarsiga ganacsiga iyo kordhinta xiriirrada u dhexeeya wafdiyada ganacsatada.




