Islamabad – Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si wadajir ah u muujiyay diidmo xooggan oo ay ka qabaan tallaabo ay Israa’iil ay wakiil diblomaasiyadeed ugu magacawday gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee Somaliland, iyagoo ku tilmaamay arrin si cad uga hor imaanaysa madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dalalkan oo kala ah Jamhuuriyadda Pakistan, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Suudaan, Dowladda Liibiya, Jamhuuriyadda Dadka ee Bangaladesh, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Aljeeriya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Falastiin, Jamhuuriyadda Türkiye, Jamhuuriyadda Indonesia, iyo Dowladda Kuwait ayaa bayaan wadajir ah ku sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed.
Waxay carrabka ku adkeeyeen in fal kasta oo lagu wiiqayo midnimada Soomaaliya uu khatar ku yahay xasilloonida iyo amniga guud ee gobolka Geeska Afrika, isla markaana uu abuuri karo xiisado siyaasadeed oo hor leh.
Sidoo kale, dalalkan ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si cad u diido tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa shuruucda caalamiga ah, iyagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka madaxbannaanida iyo xuduudaha la aqoonsan yahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale Israa’iil ku booriyeen inay dib uga laabato qorshahan, kana fogaato fal kasta oo sii hurin kara xiisadaha diblomaasiyadeed.
Bayaankan wadajirka ah wuxuu muujinayaa midnimo iyo taageero ay dalalkan u muujiyeen Soomaaliya, gaar ahaan ilaalinta madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, iyadoo la filayo in arrintan ay saameyn ku yeelato jihada xiriirrada diblomaasiyadeed ee gobolka iyo mowqifyada caalamiga ah ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya.



