Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ka qayb galay Kalfadhigii 47-aad ee Xuquuqda Carruurta Afrika

0

Lesotho – Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS, Maryan Cali Abuukar, ayaa ka qayb gashay Kalfadhigii 47-aad ee Guddiga Khubarada Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta.

 

Kalfadhigan oo ka dhacay dalka Lesotho ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda carruurta ee qaaradda Afrika, iyadoo la isla falanqeeyay caqabadaha jira iyo fursadaha lagu xoojin karo daryeelka carruurta.

Intii uu socday shirka, Wasiir Maryan Cali Abuukar ayaa jeedisay khudbad muhiim ah oo ay ku muujisay muhiimadda ansixinta Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta, iyadoo xustay doorka uu ka qaadan karo horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadatay qaar kamid ah masuuliyiintii ka soo qeybgalay shirka, iyadoo kala hadashay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeyn rasmi ah oo dhexmarta Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee Afrika, si loo horumariyo daryeelka iyo xuquuqda carruurta.

Wafdiga Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda in ay kor u qaaddo ilaalinta xuquuqda carruurta, isla markaana la jaanqaado heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya arrimaha carruurta.May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here