Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirweynaha Baarlamaanada Adduunka

0

Istanbul – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirweynaha Baarlamaanada Adduunka ee ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

 

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa khudbadiisa si gaar ah ugu dul istaagay ajendaha shirka oo ahaa kobcinta rajada, sugidda nabadgelyada iyo hubinta caddaaladda jiilalka mustaqbalka. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay xoojinta nabadda, horumarinta dowladnimada, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Sidoo kale, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku leeyahay dhismaha hay’adaha dowliga ah, kor u qaadista wadajirka bulshada, iyo xaqiijinta mustaqbal waara oo jiilasha soo socda ay ku naaloon karaan.

Ugu dambeyn, wuxuu tilmaamay in iskaashiga caalamiga ah iyo wada-shaqeynta baarlamaanada adduunka ay door weyn ka qaadan karaan horumarinta nabadda iyo xasiloonida caalamka, gaar ahaan dalalka ka soo kabanaya duruufaha adag sida Soomaaliya.May be an image of dais, newsroom and text that says "SOMALIA LA 152 IPU ASSEMBLY dan ISTANBUL, STANBUL TÜRKİYE 15-19APML 2026 O 새트맛! 福 T"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here