Soomaaliya iyo Shiinaha oo Xoojinaya Iskaashiga Aqoonta iyo Cilmi-baarista

0

Muqdisho – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha ayaa si rasmi ah u daah-furay Xarunta Cilmi-baarista iyo Casriyeynta Shiinaha, taas oo laga hirgeliyay Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

 

Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Xamza Haadow, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Wang Yu, iyo marti sharaf kale.

Aasaaska xaruntan ayaa ka tarjumaya dadaal wadajir ah oo lagu horumarinayo is-weydaarsiga aqoonta, kordhinta isfahamka labada dal, iyo dhiirrigelinta cilmi-baaris wadajir ah oo ku saabsan arrimaha istaraatiijiga ah.

Machadka Diblomaasiyadda, oo ah xarunta ugu muhiimsan ee tababarka iyo cilmi-baarista Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa door weyn ka ciyaara diyaarinta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale xoojinaya ka qeybgalka Soomaaliya ee heer caalami iyada oo loo marayo waxbarasho, cilmi-baaris siyaasadeed iyo iskaashi caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here