Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku ansixiyey dhismaha Xarunta Adeegga Mideysan ee “Halmeel”, oo hoostagi doonta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Xaruntan ayaa loo asteeyey isku-duwidda, mideynta, jaangooynta iyo horumarinta adeegyada dadweynaha ee Dowladda Federaalka, si muwaadiniintu ay u helaan adeegyo kala duwan oo isku xiran oo hal meel laga wada maamulo.
Xarunta Adeeg Bixinta ee Halmeel ayaa sidoo kale diiradda saari doonta dib-u-habeynta adeegyada adag, yareynta lakab-xafiiseedka, iyo fududeynta is-dhaafsiga xogta u dhexeysa hay’adaha dowladda, si muwaaddinku uga maarmo inuu xog isku mid ah marar badan ku bixiyo meelo kala duwan.
Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiis hoos yimaada Qaramada Midoobay ee sharciga badaha (UNCLOS), gaar ahaan heshiiska BBNJ (Biodiversity Beyond National Jurisdiction), kaas oo ku saabsan ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala duwanaanshaha noolaha badda ee ka baxsan awoodda qaran.
Intii uu kulanku socday, Golaha Wasiirrada waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, maaliyadda iyo xaaladda wabiyada dalka, iyadoo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ay soo gudbisay daraasad dhameystiran oo ku saabsan xaaladda biyaha iyo waraabka.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey ciidamada qalabka sida, kaddib markii warbixinta amniga ay muujisay in xaaladda amni ee dalka ay si weyn u soo hagaagtay, isla markaana ay hoos u dhaceen falalkii amni darrada ee guud ahaan dalka.




