MUQDISHO — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay cambaareynta dalalka Carabta ay u jeediyeen weerarro la sheegay in Iiraan ay ka geysatay Bariga Dhexe, iyadoo muujisay taageero buuxda oo ay u hayso dowladaha Carabta.
Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Xasan Maxamed Cali, ayaa ka qeyb galay kulan degdeg ah oo heer wasiir ah oo ay yeesheen Jaamacadda Carabta, kaasoo ku qabsoomay hab fogaan-arag ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qaraar ay soo gudbisay Bahrain oo ku saabsan weerarrada la sheegay in Iiraan ay ku qaaday dalalka Carabta, iyo sidoo kale waajibaadka saaran Tehran ee la xiriira sharciga caalamiga ah.
Bayaan ay soo saartay, dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay tallaabooyinka Iiraan, iyadoo sheegtay inay garab taagan tahay dalalka Carabta.
Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga caalamiga ah iyo sugidda marinada ganacsiga badda, iyadoo ku baaqday iskaashi wadajir ah oo lagu xoojinayo xasilloonida gobolka.




