Faarax C/qaadir oo sheegay in baahi loo qabo nidaam qaran oo xogta waxbarashada lagu maareeyo

0

MUQDISHO — Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa ku baaqay in la sameeyo manhaj qaran oo mideysan iyo nidaam adag oo lagu hubinayo tayada macallimiinta, si loo xoojiyo heerka waxbarashada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in nidaamka federaalka uu fursad u siiyay bulshada iyo ganacsatada inay ballaariyaan adeegyada waxbarashada, gaar ahaan meelaha ay dowladdu hore uga maqneyd.

Si kastaba, wuxuu tilmaamay in kala duwanaanshaha manhajyada iyo imtixaannada ay keeneen caqabado, islamarkaana mararka qaar ay hoos u dhigeen tayada waxbarashada.

“Mararka qaar saameyn taban ayay leedahay, mararka qaarna mid togan,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan tayada macallimiinta, isagoo sheegay in la qorsheynayo nidaam ruqsadeyn ah iyo tababarro rasmi ah si loo hubiyo in mustaqbalka ay wax dhigaan oo keliya macallimiin aqoon leh.

Wasiirka ayaa intaas ku daray baahida loo qabo nidaam qaran oo xogta waxbarashada lagu maareeyo, si loo fududeeyo qorsheynta iyo la socodka ardayda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here