MUQDISHO — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda ay xoogga saarayso horumarinta badda si ay u noqoto laf-dhabarta kobaca dhaqaalaha dalka.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu daah-furayay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Wuxuu sheegay in qorshuhu yahay in dekedaha dalka la gaarsiiyo heer caalami si loo xoojiyo ganacsiga iyo xiriirka suuqyada caalamka.
“Waxaa naga go’an in badda Soomaaliya laga dhigo laf-dhabarta dhaqaalaha dalka,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la maalgeliyo dekedaha, isagoo xusay in gaadiidka badda uu ka jaban yahay kana ammaan badan yahay kan dhulka.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda sugidda amniga badda, la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn bogaadiyay shaqaalaha Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku ammaanay dadaalkooda horumarinta adeegyada muhiimka ah ee ganacsiga badda.




