Maxkamad ku taal Minnesota oo xukuntay nin rabay inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya

0

St. Paul, Minnesota — Maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa xabsi dhan 8 sano iyo bar ku xukuntay Cabdisataar Axmed Xasan oo 23 jir ah, kaddib markii lagu helay dambiyo la xiriira isku day uu ku doonayay inuu ku biiro kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya.

 

Sida ku cad dukumentiyada maxkamadda, Cabdisataar ayaa bishii Diseembar 2024 laba jeer isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro dagaalyahannada Daacish. Baaritaanno ay sameeyeen hay’adda FBI-da ayaa muujiyay inuu baraha bulshada ku faafiyay muuqaallo uu ku taageerayo kooxda, isla markaana uu ammaanay weerarro ka dhacay gudaha Mareykanka.

Ninkan ayaa lagu qabtay magaalada Chicago, halkaas oo ay gacanta ku dhigeen saraakiisha la dagaallanka argagixisada ee ka shaqeeya xuduudaha. Intii lagu guda jiray baaritaanka, Cabdisataar ayaa qirtay taageerada uu u hayo Daacish, isagoo sheegay in fikirkaasi uu ku bilowday kadib dagaalkii u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xamaas ee qarxay sanadkii 2023.

Xeer-ilaaliyeyaasha federaalka ayaa markii hore dalbaday in lagu xukumo 17 sano oo xabsi ah, iyagoo ku tilmaamay shaqsi halis weyn ku ah amniga qaranka, islamarkaana si cad u qorsheeyay inuu ku biiro urur argagixiso. Si kastaba, qareenka difaacay ayaa ku dooday in uusan fulin wax weerar ah, isla markaana uusan cid kale ku lug gelin falalkaasi, taas oo sababtay in garsooruhu xukun ka fudud ku rido.

Marka uu dhameysto muddada xabsiga, Cabdisataar waxaa lagu dari doonaa 15 sano oo kormeer adag ah, si si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqiisa.

Kiiskan ayaa qeyb ka ah dhowr kiis oo hore uga dhacay gobolka Minnesota, kuwaas oo la xiriira dhalinyaro lagu eedeeyay inay xiriir la sameeyeen ama u safreen dalalka Soomaaliya, Suuriya iyo Ciraaq si ay ugu biiraan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here