Muqdisho — Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka, isagoo ku eedeeyay dowladda inay u adeegsaneyso ciidamada qalabka sida arrimo siyaasadeed.
Kheyre ayaa sheegay in ay tahay arrin laga xumaado in ciidamada qaranka, oo loo dhisay difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka, loo adeegsado ujeeddooyin ka baxsan waajibaadkooda rasmiga ah.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dowladda ay beegsaneyso siyaasiyiin iyo dadweyne aragti ahaan ka duwan, taas oo uu ku sheegay mid dhaawaceysa hannaanka dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.
DAAWO.




