Muqdisho — Midowga Yurub ayaa ansixiyay €75 milyan (qiyaastii $81 milyan) oo taageero dheeri ah si loo xoojiyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Maalgelintan ayaa la meel mariyay Talaadadii kadib go’aan ay gaareen Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka ee Midowga Yurub, waxaana lagu bixin doonaa iyada oo loo marayo Xarunta Nabadda ee Yurub (EPF), si loo taageero qaybta militariga ee howlgalka uu hoggaamiyo Midowga Afrika.
War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in dhaqaalahan cusub uu gacan ka geysan doono kor u qaadista diyaargarowga howlgalka AUSSOM iyo awooddiisa fulineed, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta amniga iyo badbaadinta dadka rayidka ah ee ku nool goobaha ay saameeyeen Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.
Sida lagu sheegay bayaanka, lacagta ayaa inta badan lagu dabooli doonaa gunnooyinka ciidamada loo diro Soomaaliya, iyadoo sidoo kale lagu taageerayo qalab aan wax dilin iyo adeegyo kale oo la xiriira howlgalka.
Taageeradan cusub ayaa ka dhigeysa wadarta guud ee Midowga Yurub uu ku bixiyay howlgalada uu hoggaamiyo Midowga Afrika ee Soomaaliya ku dhawaad €2.8 bilyan tan iyo sanadkii 2007.
Midowga Yurub ayaa weli ah taageeraha ugu weyn ee howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo xusay in maalgelintan ay qayb ka tahay dadaallo ballaaran oo lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale, goluhu wuxuu caddeeyay in taageeradan ay la socoto barnaamijyo kale oo lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, si ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.



