Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqday Xudur, dhiirrigelinna u sameeyay ciidamo cusub

0

Xudur, Bakool – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku tagay degmada Xudur, isagoo ay wehliyaan Taliyaha Taliska Tababarka XDS Axmed Ciise Axmed iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka.

 

Wafdiga Taliyaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Xudur, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay saraakiisha Guutada 9aad, maamulka degmada, qeybaha kala duwan ee bulshada, iyo ciidamo ka tirsan ATMIS.

Ujeedka safarka ayaa ahaa kormeer iyo dhiirrigelin loo sameynayay cutubyo cusub oo tababar uga socdo dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee ku yaalla Xudur. Saraakiisha ayaa askarta cusub ku booriyay inay muujiyaan geesinimo, adkaysi, iyo u diyaar garow buuxa oo ay dalka ku difaacaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in ciidamadan cusub dhawaan loo soo gabagabeyn doono tababarkooda, isla markaana ay si rasmi ah uga mid noqon doonaan howlgalada lagu sugayo amniga, laguna ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa ciidanka faray inay door muuqda ka qaataan sugidda amniga Gobolka Bakool, gaar ahaan furitaanka iyo isku socodsiinta deegaannada gobolka.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, iyadoo la qorsheynayo in Koonfur Galbeed Soomaaliya noqoto maamulkii ugu horreeyay ee nidaamkan laga hirgeliyo. Si kastaba, waxaa jira warar sheegaya in qaar ka mid ah saraakiil hore ula shaqeyn jiray Cabdicasiis Laftagareen ay ka hor imaanayaan qorshahan.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here